
Jude Bellingham ayaa digniin u diray kooxda Arsenal xilli ay Real Madrid isku diyaarinayso in ay marti galiso Gunners kulanka lugta labaad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.
Real Madrid ayaa guuldarro 3-0 ah kala kulantay Emirates lugtii hore ka dib labo laad xor ah oo cajiib ah oo Declan Rice ah iyo gool uu dhaliyay Mikel Merino.
Inkasta oo ay tahay shaqo adag hadana Real Madrid waxay leedahay taariikh soo laabasho weyn oo Champions League ah, Bellingham ayaa yiri: “Soo noqoshada waxay ahayd ereyga ugu soo noqnoqda ee qolka labiska, waxaan maqlay hal milyan oo jeer, waa habeen loo sameeyay Real Madrid.”
Isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi”Waxaan u maleyneynaa inay adkaan doonto, laakiin intaa ka badan oo aad la hadasho xiddigaha kooxda waxa aad arkaysaa sida ay ugu kalsoonyihiin in ay Soo laabtaan”.
“Markii ay ciyaartu dhamaatay kulankii lugta hore waan niyad jabsanayn laakiin hadana waxa aan aaminsanayn in aan Soo laaban karo”.
Be the first to comment