Thierry Henry Oo Arsenal Uga Digay PSG Ka Hor Final.

Halyeeyga Arsenal ee Thierry Henry ayaa uga digay kooxdiisii hore ee Arsenal kooxda Paris Saint-Germain ka hor final-ka UEFA Champions League Final ee dhammaadka bishan.

Henry oo ka hadlayay CBS Sports kadib markii PSG ay ka reebtay Bayern Munich wareegga semi-final-ka habeenkii Arbacada, ayaa sheegay in kooxda uu tababaro Luis Enrique ay “ku dili karto” laba qaab oo kala duwan.

“Waxaad rabtaa in kooxdaada [Arsenal] ay guuleysato oo ay dareento khibraddaas. Waxaan rajeynayaa inay dhacdo, laakiin eeg sida PSG u ciyaartay caawa, waxay ku dili karaan laba qaab; iyagoo kaa dhalinaya goolal badan ama iyagoo gebi ahaanba ku xakameynaya,” ayuu yiri Henry.

“Kooxdii ugu fiicneyd habeenkaas iyo guud ahaan labada lugoodba way badisay, waxayna si ka duwan sidii hore uga hortageen Bayern”

“Wax walba way haystaan oo ay u baahan yihiin, laakiin Arsenal waa koox adkeysi badan, marka aan fursado abuurno waan dhalinaa goolal. Way adkaan doontaa, balse aan sugno oo aragno.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga