Weeraryahanka Harry Kane ee Bayern Munich ayaa saadaaliyay final-ka UEFA Champions League Final ee dhex mari doona Arsenal iyo Paris Saint-Germain.
Kane ayaa seegay inuu gaaro final-ka kadib markii Bayern ay barbaro 1-1 ah la gashay PSG lugtii labaad ee semi-final-ka.
Kabtanka England ayaa dhaliyay gool barbaro ah daqiiqadihii ugu dambeeyay, balse taasi kuma filnaanin kooxda Bundesliga-da maadaama ay 5-4 ku soo garaacantay lugtii hore.
Kane ayaa hadda sheegay in PSG ay noqon doonto kooxda “wax yar favorit-ka ah” marka ay Arsenal ku wajahaan Budapest 30-ka May.
Kadib markii uu ku guuleystay horyaalka dalkiisa, Kane wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa inuu qaado domestic double-ka.
Isagoo la hadlayay Sky Sports Germany ayuu yiri:
“Waxaan ku guuleysan karnaa double-ka”
“Fikradeyda ahaan, PSG wax yar ayay favorit-ka u yihiin final-ka.”
Be the first to comment