Ten Hag Oo Ka Warbixiyay Xaalada Luke Shaw Kadib Badalkii Lagu Sameeyay Kulankii Aston Villa.

Erik ten Hag ayaa sheegay in Luke Shaw taxadar ahaan loo saaray kulankii ay Man United ka badisay Aston Villa kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Luke shaw ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Man United ka badisay Aston Villa ee ka dhacay Villa Park iyada oo lagu badalay xiddiga Lindelof.

Kadib ciyaarta Ten Hag ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga iyo sababtii loo badalay intii ay socotay ciyaartu.

“Waxa loo saaray Luke dhaw taxadar ahaan, waxa uu muujiyay cabasho sidaas darteed maanu doonayn in aan halis galino sababta oo ah dhaawacyo badan ayaa soo gaadhay isaga”.

“Waxa aan eegi doonaa malmaha soo socda si aan u qiimayno xaaladiisa”ayuu sii raaciyay.

Shaw ayaa muhiim ka ah kooxda Ten Hag laakiin waxa uu ku dhibaatooday dhaawacyo xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga