Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamankii Ay United Garaacday Aston Villa.

Manchester United ayaa guul adag ka gaartay Aston Villa, waxayna kaga adkaatay 2-1, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska.

Goolka ciyaarta oo ay martigelisay Villa Park ayaa waxaa bilaabay Rasmus Hojlund daqiiqadii 17-aad ka hor inta uuna bar-barayn xiddiga Douglas Luiz daqiiqadii 67aad.

Ugu dambayn waxa goolka guusha u dhaliyay Man United Scott McTominay daqiiqadii 86aad isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay 3 dhibcood oo muhiim ah.

Hadaba halkan waxan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

Hojlund ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee 5 kulan oo xiriir ah Premier League gool u dhaliya Manchester United, isagoo jira 21 sano iyo 7 maalmood.

Guud ahaan, Hojlund ayaa ah xiddigii ugu da’da yaraa ee tartanka premier League gool ka dhaliya 5 kulan oo xidhiidh ah tan ilaa Nicolas Anelka, oo 5 kulan oo xiriir ah gool u dhaliyey Arsenal bishii November 1998-kii, wuxuuna xilligaas jiray 19 sano iyo 239 maalmood.

Scott McTominay ayaa dhaliyay goolkiisii ​​7-aad xilli ciyaareedkan horyaalka England Premier League isaga oo dhaafiyay goolashiisa saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay marka la isku daro (waxa uu dhaliyay 6 gool).

McTominay ayaa dhaliyay 4 gool kulamadii uu ka soo qayb galay badalka,waana arin rikoodh ah waxana uu la siman yahay xiddiga Brighton ee Joao Pedro.

Guusha United ayaa ah tii sideed iyo tobnaad ee 29-kii kulan ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka Ingariiska ee Aston Villa, waana guushii labaad ee xiriir ah oo ay ka gaarto hal koox oo ka baxsan garoonkeeda kulamada Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga