Ten Hag Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Lisandro Martínez.

Tababaraha Kooxda Man United Erik Ten Hag ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee daafaca Lisandro Martínez.

Lisandro Martínez ayaa ku dhaawacmay kulankii ay kooxdiisa Man United ka badisay West Ham kulan ka tirsanaa premier League.

Xididga Lisandro Martínez oo dhawaan dhaawac ka soo laabtay ayaa ku bilowday shaxda Man United kulamadii ugu dambeeyay.

“Dhaawaca Lisandro Martínez uma muuqdo mid fiican”ayuu Ten Hag ku bilaabay.

“Waa mid aad u xun, waxa aan u rajaynaynaa nasiib fiican”

“Sidoo kale waa mid u xun kooxda”ayuu Ten Hag sii raaciyay.

“Waxaan sugaynaa baadhitaanka laakiin runtii aad ayaan uga xumahay waxa ay u egtahay in uu kulamo badan dhaawac ku seegi doono”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga