Muxuu Klopp Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Arsenal.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Liverpool ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League kana dhacay Emirates.

“Waxyaabo badan ayaa naga soo horjeeday”kulanka ayuu Klopp ku bilaabay.

“Isla garsoorahan ayaa kaadhka cas ii taagay sabab la xidhiidha in uu Bernardo Silva musaaraco ku sameeyay Salah”.

“Maanta si la mid ah Jota ayaa lagu musaariciiyay wax kaadh ahna ma bixin”.

“Havertz ayaa sidaas ku sameeyay Konate halka uu sidoo kale Gabriel isla sidaas ku sameeyay Nunez”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga