Atletico Madrid Oo Wakhtiga Dhimashada Dhibic Qaali Ah Ka Reebtay Real Madrid.

Kooxda Inter Milan ayaa bar-baro wakhtiga dhimashada yimid ka heshay kooxda Real Madrid kulan ku dhamaaday 1/1 kana tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkii 23-aad ee xilli ciyaareedka.

Real Madrid ayaa kulanka Derby la soo gashay koox ay ka mid ahaayeen: Lunin, Mendy – Nacho – Dani Carvajal – Lucas Vazquez, Camavinga – Toni Kroos – Jude Bellingham – Fede Valverde, Ibrahim Diaz – Rodrigo Goes.

Dhinaca kale Atletico Madrid aya ku soo gashay shax ahJan Oblak, Savic – Witsel – Hermoso, Llorente – De Paul – Koke – Saul – Riquelme, Morata – Griezmann.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku wanagsaneyd dhanka farsamada, waxaana la arkayay weeraro furan oo labada dhinac ah, gaar ahaan Real Madrid, oo ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.

Kooxda Martida loo ahaa ee Real Madrid ayaa daqiiqadii 20-aa dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ibrahim Diaz, markii Lucas Vazquez uu baas ka soo dhiibay gudaha xerada ganaaxa.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Atletico Madrid isku dayday in ay weerar rogaal celis ah oo deg deg ah ku soo qaado Real iyaga oo raadinayay goolal waxana ay dhaliyeen gool daqiiqadii 48-aad laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Daqiiqadii 90+3-aad ee ciyaarta ayay Atletico Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Marcos Llorente, kadib markii uu kubad madax ah oo aad u xoogan la beegsaday goolka isla markaas dhaafiyay goolhaye Lunin.

Bar-barahan xiisaha badan ayaa Real Madrid gashay waxa ay gaadhay 58 dhibcood waxana ay ku jirtaa hogaanka horyaalka La Liga waxana ay Atletico Madrid ku jirtaa kaalinta 4-aad iyaga oo leh 48 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga