Ten Hag Oo Arin La Yaab Leh Ayaa Ku Sababeeyay Dhibaatada Man United Ee Xilli Ciyaareedkan.

Erik ten Hag ayaa si aan la yaab leh u sheegay in xeerka dhaqaale waanagu sabab u yahay dhibaatada Man United inkasta oo ay kooxdu lacag badan oo kor u dhaafta 200 suuqa galisay suuqii xagaaga.

Kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Old Trafford, dad badan ayaa moodayay in Man United tartami doonto xilli ciyaareedkan laakiin taasi ma dhicin.

Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 6-aad ee kala saraynta premier League iyaga oo 8 dhibcood ka hooseeya kooxda ku jirta kaalinta 4-aad.

Tababaraha Man United ee Ten Hag ayaa si la yaab leh u aaminsan in xeerka dhaqaale wanaagu sabab u yahay dhibaatada kooxda Man United ee xilli ciyaareedkan.

“Markii aan joognay xagaagii hore meel fiican ayaan joognay, waxa aan ku dhamaysanay kaalinta 3-aad, waxa aan ku guulaysanay koob final kalena waan aadnay”ayuu Ten Hag yidhi.

“Kadib waxa aan go’aansanay in aan xiddigo da’yar ah la soo saxiixano sabab la xidhiidha xeerka dhaqaale wanaaga”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga