Tababaraha Xulka Ivory Coast Oo Fariin Ku Saabsan Yan Diomande U Diray Liverpool Iyo PSG.

Tababaraha xulka Ivory Coast, Emerse Fae, ayaa si kaftan leh uga hadlay mustaqbalka ciyaaryahanka lala xiriirinayo Liverpool, Yan Diomande.

Liverpool ayaa si weyn loola xiriirinayaa saxiixa Diomande xagaagan, iyadoo wararka qaar sheegayaan in ciyaaryahanka RB Leipzig loo arko beddelka mustaqbalka ee Mohamed Salah.

Fae ayaa yiri:

“Markii aan joogney Faransiiska intii lagu jiray diyaar-garowga, saxafiyiintu waxay ii sheegeen inuu ku dhow yahay inuu u saxiixo Paris Saint-Germain. Hadda halkan waxay leeyihiin wuxuu ku dhow yahay Liverpool”

“Anigu ma garanayo, laakiin hadda wuxuu diiradda saarayaa Koobka Adduunka, ka dibna wuxuu ka fikiri karaa inta ka harsan xirfaddiisa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga