Ceebta Adduunka: Xulka Yar Ee Cape Verde Oo Bar-Baro Ku Qabtay Xulka Spain.

Kulankii dhexmaray Cape Verde iyo Spain ayaa ku dhammaaday barbaro goolal la’aan ah (0-0), waxaana lagu ciyaaray garoonka Mercedes-Benz Stadium qayb ka mid ah wareegga koowaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka 2026.

Natiijadan ayaa ka dhigtay in labada xul qaran ay min hal dhibic ku furtaan tartanka, iyadoo guruubkan la filayo inuu yeesho tartan adag oo loogu jiro labada boos ee u gudbaya wareegga xiga. Dhanka kale, xulka Sacuudiga ayaa maanta la ciyaari doona dhiggiisa Uruguay isla guruubkan.

Kulanka waxaa si weyn u maamulayay xulka Spain, hase yeeshee Cape Verde ayaa soo bandhigtay difaac adag oo nidaamsan, taasoo xaddidday halista weerarrada Spain, gaar ahaan iyadoo xulka Spain uusan soo bandhigin heerkii laga filayay qeybtii labaad.

Spain ma aysan helin fursado badan oo cadcad oo goolal lagu dhalin karo, waxaana taas sabab u ahaa difaaca adag ee Cape Verde iyo bandhigga cajiibka ah ee goolhayahooda. Cape Verde iyaduna waxay ku tiirsaneyd weerarro rogaal-celin ah, balse kuwaas khatar weyn kuma aysan gelin goolhayaha Spain, Unai Simón.

Qeybtii labaad, Spain ayaa sii waday inay kubadda maamusho isla markaana cadaadis saarto, iyadoo abuurtay fursado khatar ah. Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoydeedu waxay waayeen dhammeystirka ugu dambeeya, halka goolhayaha Cape Verde uu sameeyay badbaadinooyin muhiim ah, taasoo keentay in kulanku ku dhammaado barbaro 0-0 ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga