Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa si weyn u amaanay Lamine Yamal, kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee Barcelona ay 5-1 kaga adkaatay Feyenoord kulankii furitaanka Champions League xilli ciyaareedka 2026/27, Flick ayaa si cad u sheegay inuu aaminsan yahay in Lamine Yamal uu yahay ciyaaryahan heer gaar ah, isla markaana uu mudan yahay abaalmarinta Ballon d’Or.
Markii wax laga weydiiyay Lamine Yamal, Flick ayaa yiri:- “Waa ciyaaryahankayga aan ugu jeclahay, Wuxuu mudan yahay Ballon d’Or. Aniga ahaan waa ciyaaryahan aan caadi ahayn, waxaana taas ku aragnaa ciyaar kasta.”
Flick ayaa sidoo kale sheegay in tayada ciyaartoyda Barcelona ay si weyn uga muuqato tababarrada, iyadoo tartanka boosaska uu sare u qaaday heerka kooxda “Tababarrada waxaa ka jira tayo aad u sarreysa, waxaana jirta tartan dhab ah oo u dhexeeya ciyaartoyda, Isbeddelka iyo wareejinta ciyaartoyduna waxay naga caawiyaan inaan heerka sare sii joogteyno.”
Flick wuxuu ku faraxsan yahay sida kooxdiisu u abuureyso fursadaha, isagoo sheegay in isbeddellada uu sameeyo ay inta badan shaqeynayaan waxa uu yiri:- “Waxaan sameynaa isbeddello meelo kala duwan ah, waana shaqeynayaan, Waxaan abuureynaa fursado badan, taasina waa arrin wanaagsan.”
Flick ayaa si weyn u muujiyay farxaddiisa ku aaddan inuu hoggaamiyo Barcelona:- “Waan ku faraxsanahay inaan ka hadlo sida aan ugu raaxaysanno qaabka aan u ciyaareyno, Waan ku faraxsanahay inaan noqdo tababaraha Barcelona.”
Wuxuu intaas ku daray:- “Waxaan dhalineynaa goolal, waxaanan maamulnaa ciyaarta, Tani waa qaabka aan u ciyaarno, waxaana rabnaa in taageerayaashu ku raaxaystaan, waana ay ku raaxaysanayaan.”
Inkasta oo uu aad ugu faraxsan yahay kooxda, Flick wuxuu sheegay in xilli ciyaareedku weli bilow yahay, ayna jiraan waxyaabo badan oo ay tahay inay horumariyaan:- “Runtii waan jeclahay waxa aan arkayo, laakiin waxaan sidoo kale arkaa dhinacyo aan u baahanahay inaan horumarino. Waxaan falanqeynaa wax walba, waxaana isku daynaa inaan sii fiicnaano.”
Flick wuxuu xusay in koobabka aan hadda la go’aamin, isagoo sheegay in tartanku socon doono ilaa bartamaha May, markaas oo la go’aamin doono cidda qaadaysa koobabka.
Be the first to comment