WARBIXIN:- Liverpool oo mar kale ku hungowday Anfield, Iraola oo wajahaya bilow argagax leh oo …..

Liverpool ayaa ku guuldarreysatay inay guul ka gaarto labadii kulan ee ugu horreeyay ee ay gurigeeda ku ciyaartay Premier League xilli ciyaareedkan, arrintaas oo markii ugu dambeysay dhacday xaalad la mid ah 63 sano ka hor, Kooxda uu hoggaamiyo tababare Andoni Iraola ayaa Sabtidii Anfield ku ciyaartay barbaro goolal la’aan ah oo ay la gashay Fulham, iyadoo natiijadan ay timid kaddib bandhiggii aadka loo amaanay ee Liverpool ay bartamaha toddobaadka ka sameysay Champions League, markaas oo ay garaacday Atletico Madrid.

Kulankii Atletico Madrid waxaa Liverpool ka muuqatay firfircooni, xawaare iyo cadaadis joogto ah, balse kulankii Fulham waxay u muuqatay koox gebi ahaanba ka duwan. Ciyaartoyda Liverpool ayaa u muuqday kuwo jirka iyo maskax ahaanba daallan, taasoo keentay inay ku adkaato inay abuuraan fursado badan.

Fulham ayaa kulanka soo gashay iyadoo kalsoonideedu hooseyso, isla markaana toddobada gool laga dhaliyay saddexdii kulan ee hore ee horyaalka, balse Liverpool ayaa awoodi weyday inay ka faa’iideysato xaaladdaas, Iraola ayaa qirtay in kooxdiisu ay si weyn ugu liidatay dhinaca weerarka, gaar ahaan abuurista fursadaha iyo gool dhalinta.

Tababaraha reer Spain ayaa sheegay in Liverpool ay markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan la kulantay dhibaato weyn oo ku saabsan sidii ay fursado u abuuri lahayd una dhalin lahayd goolal, Liverpool weli lagama badin xilli ciyaareedkan, sidaas darteed xaaladdu ma ahan mid loo aqoonsan karo dhibaato weyn, balse lix dhibcood oo keliya afarta kulan ee ugu horreeya Premier League ayaa ah bilow niyad-jab leh.

Reds ayaa gurigeeda afar dhibcood ku lumisay kulamadii ay la ciyaartay Nottingham Forest iyo Fulham, halka kulankii Newcastle uu sidoo kale ku dhammaaday barbaro. Guushooda kaliya waxay ka timid kulankii ay Ipswich Town la ciyaareen, Goolhaye Alisson Becker ayaa sheegay in kooxda aysan gabi ahaanba ku faraxsanayn natiijada.

Alisson wuxuu tilmaamay in Liverpool aysan ku qanacsanaan karin inay weli tahay koox aan laga badin iyadoo haddana saddex kulan barbaro gashay, Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in haddii Liverpool ay doonayso inay xilli ciyaareedkan wax gaar ah sameyso, ciyaartoydu ay tahay inay bartaan sida loo maareeyo jadwalka culus ee ay ku ciyaarayaan kulamo Arbaco, Sabti iyo Talaado.

Kulankii Fulham ayaa lawada helay markii ugu horreysay ee saddexda weeraryahan ee qiimahoodu gaarayo £364 milyan — Alexander Isak, Bradley Barcola iyo Florian Wirtz — kuwan ay si wadajir ah ugu soo bilowdaan kulan Premier League ah, Si kastaba, saddexda ciyaaryahan ayaa ku guuldarreystay inay sameeyaan isku xirnaantii laga filayay, iyadoo Liverpool ay abuurtay fursado kooban marka loo eego awoodda weerarkeeda.

Isak ayaa kulanka sameeyay kaliya 16 taabasho 90 daqiiqo gudahood, taasoo noqotay tiradii labaad ee ugu yareyd ee ciyaaryahan garoonka ka tirsan Liverpool uu sameeyo marka loo eego xogta la hayo. Toddobaadyo ka hor ayuu Isak sameeyay 14 taabasho oo keliya kulankii Nottingham Forest.

Wirtz ayaa isna u muuqday ciyaaryahan ka fog qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay kulankii Atletico Madrid, halka Barcola iyo Isak ay sameeyeen dhowr isku day oo wanaagsan, balse wada shaqeyntooda cusub ay u baahan tahay waqti, Iraola ayaa sheegay in Barcola weli si tartiib ah loogu dhisayo awooddiisa jireed, isagoo xusay in ciyaaraha badan ay ka caawin doonaan inuu gaaro heerka loo baahan yahay.

Tababaraha Liverpool ayaa sidoo kale qiray in dhibaatadu aysan ku koobnayn hal ciyaaryahan, balse kooxda oo dhan ay ka maqneyd firfircoonidii iyo tamartii loo baahnaa, Liverpool ayaa sidaas ku sii wadata bilow aan laga badin, balse natiijooyinka Anfield ayaa durba bilaabay inay su’aalo ka keenaan awoodda kooxda cusub ee Iraola, gaar ahaan sida ay ula qabsan doonto isku darka Premier League iyo Champions League iyo jadwalka culus ee xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga