Barcelona ayaa maanta oo Axad ah dib ugu soo laabanaysa tartanka LaLiga, iyadoo kooxda uu hoggaamiyo tababare Hansi Flick ay booqan doonto Levante, kulan ka tirsan wareegga shanaad ee horyaalka Spain xilli ciyaareedka 2026/27.
Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyadoo hoggaanka horyaalka ku jirta, waxaana ay afartii kulan ee ugu horreeyay kasoo urursatay 12 dhibcood, Levante ayaa dhankeeda heysata 5 dhibcood, iyadoo dooneysa inay gurigeeda kaga yaabsato kooxda reer Catalonia.
Liiska Barcelona waxaa markii afaraad tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka ku jira ciyaaryahanka reer Masar Hamza Abdelkarim.
Hamza ayaa hal kulan oo kaliya kasoo muuqday LaLiga, isagoo beddel ku soo galay kulankii ay Barcelona la ciyaartay Rayo Vallecano, halka saddexda kulan ee kale uusan ciyaarin.
Shaxda la filayo ee Barcelona
Goolhaye:
Juan García
Difaaca:
Eric García, Pau Cubarsí, Gerard Martín, Esprat
Khadka dhexe:
Pedri, Rodri, Fermín López
Weerarka:
Lamine Yamal, Raphinha, Anthony Gordon
Barcelona ayaa rajeynaysa inay sii xoojiso booskeeda hoggaanka LaLiga, halka Levante ay doonayso inay ka faa’iideysato faa’iidada garoonkeeda si ay dhibco uga hesho kooxda Flick.
Be the first to comment