Chelsea Oo premier League Kala Kulmi Karta Ganaax Ka Xun Midkii Dusha Laga Saaray Everton, Sabab

Chelsea ayaa laga yaabaa in lagu ciqaabo ka weyn tan Everton ee jebinta dhaqaale wanaaga kaas oo uga imanaya premier League sida uu sheegay lataliyihii hore ee dhaqaalah kooxda Man City.

Xeerarka FFP ee Premier League ayaa diiradda la saaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka dib markii Everton laga jaray 10 dhibcood bishii November sabab la xidhiidha in ay jabisay sharciyada.

Toffees ayaa mar kale dacwad lagu soo oogay, iyadoo ay weheliso Nottingham Forest, bishii January iyada oo lagu soo oogay in ay jabiyeen xeerka dhaqaale wanaaga iyada oo kooxaha loo ogolyahay in ay lumiyaan kaliya 105 milyan oo euro sanadka.

Dhanka kale, City ayaa la dagaalameysa 115 dacwadood oo haddii la caddeeyo, laga yaabo in kooxda laga xayuubiyo koobabka, laguna celiyo heerka 2-aad laakiin ilaa haatan waxa ay diidan yihiin dacwada lagu soo oogay.

Dhanka kale, Chelsea ayaa suuqa kala iibsiga ku qarash gareysay in ka badan 1 bilyan tan iyo markii Todd Boehly iyo Clearlake Capital ay iibsadeen kooxda bishii May 2022.

In kasta oo ay sidoo kale ka heleen lacag aad u badan iyada oo loo marayo iibinta xiddigaha iyo waliba yaraynta mushaharka hadana la taliyihii hore ee Man City ee dhaqaalaha ayaa sheegay in chelsea way wajihi karto ganaax adag.

Stefan Borson ayaa u sheegay TalkSPORT: “Waxay isticmaaleen xeeladaha is-difaacidda. (Laakin) maskaxdayda, waxaa hubaal ah in dhibaato ay ka jirto xaga sare oo ay hubaal ku fashilmi doonaan FFP xilli ciyaareedkan”.

“Tani waa hadii ay dhacdo umana muuqato in ay dhacayso laakiin waa in ay kooxdu iibiso xiddigo qiimohoodu gaadhayo 100 milyan oo euro”.

“Xilli ciyaareedku wuu dhamaan doonaa ka dibna waxa la aadi doonaa Euro sidaas Darteed waa in ay iibiso xiddigo ka hor 30 bisha June si ay uga badbaado ganaax”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga