Shaxda Uu Zinedine Zidane Ku Ciyaarsiin Doono Manchester United Oo Ku Beddelaysa Ten Hag

Erik ten Hag waxa uu ku istaagay dab kulul oo gudbi doona mustaqbalkiisa Manchester United, kaddib markii ay ka hadheen tartamada Yurub oo dhan oo ay xalay macasalaameeyeen, iyadoo Group-ka A ee tartanka Champions League ay kasoo baxeen Bayern Munich iyo FC Copenhagen, halka Galatasaray ay ciyaari doonto Europa League.

Manchester United ayaa waxa iyadoo ku sugan Old Trafford 1-0 ku garaacday Bayern Munich, waxaana kasii horreysay in Sabtidiina isla garoonkan ay Bournemouth ku bahdishay United 3-0.

Red Devils oo suuqii ugu dambeeyey ee xagaagii la saxeexatay ciyaartoyda kala ah Mason Mount, Andre Onana, Rasmus Hojlund, Sergio Reguilon iyo Sofyan Amrabat ayaa illaa hadda dabbaal-joogtaynaysa, waxaana laga badiyey lix kulan oo horyaalka Premier League ah, halka tartanka Champions League ay hal ciyaar ah guuleysteen lix kulan oo wareeggii hormooyinka ahaa.

Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa waxa ay qaarkood qorayaan in Erik ten Hag ay suurtogal tahay in shaqada laga caydhiyo haddii ay guul-darro kala ka keenaan kulanka Axadda ay martida u noqonayaan Liverpool oo ay ugu tegayaan Anfield, waxaana murashaxa koowaad ee lagu beddelayo lagu sheegay Zinedine Zidane.

Tababaraha reer France oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii uu ka tegay Real Madrid sannadkii 2021, ayaa waxa waqtigiisii Los Blancos uu ku guuleystay saddex Champions League oo xidhiidh ah, laba horyaal iyo koobab kale oo badan.

Warbaahinta Ingiriisku waxa kale oo ay bilowday falanqaynta shaxda macquulka ah ee uu Zinedine Zidane ku ciyaarsiin doono Manchester United isaga oo aan wax isbeddel ah ku samaynin xiddigaha hadda jooga Old Trafford.

Sidan ayay noqon doontaa shaxda Zidane ku ciyaarsiin doono Man United

Goolhaye – Andre Onana

Difaaca- Aaron Wan Bissaka, Raphael Varane, Lisandro Martinez, Luke Shaw

Khadka Dhexe – Mason Mount, Casemiro, Bruno Fernandes

Weerarka – Jadon Sancho, Rasmus Hojlund, Marcus Rashford

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga