Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League Oo La Soo Saaray

Waxa la soo afjaray kulamadii wareega 16-ka tartanka champions League iyada oo xalay la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay.

Kooxaha Barcelona, Arsenal, Atletico Iyo Dortmund ayaa dhamaantood iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Kadib kulamadii la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka champpions League.

Kooxda Dortmund ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig kadib markii ay garaaceen psv.

Waxa ku xigta kooxda Barcelona oo shaxda ku leh 3 xiddig kadib markii ay ka badiyeen Napoli.

Kooxda Atletico Madrid oo garaacday Inter ayaa shaxda ku leh laba xiddig.

Ugu dambayn kooxaha Arsenal ee PSV ayaa shaxda ku leh min hal xiddig kadib kulaamdii ay ciyaareen.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga