Man United Mise Liverpool? Ian Ladyman Oo Saadaaliyay Kooxda Badinaysa Axada Kulanka FA Cup-ka

Ian Ladyman ayaa sheegay in Manchester United ay garaaci doonto Liverpool isbuucaan kulanka adag ee wareega 8da FA Cup ee ka dhacaya Old Trafford Axada.

Kooxda Erik ten Hag ayaa Old Trafford ku soo dhawayn doonta Liverpool Axada kulan ka tirsan wareega 8 dhamaadka FA Cup-ka.

Man United waxa la filayaa in uu u soo laabto xiddiga Rasmus Hojlund halka ay Liverpool u soo laabteen xiddigaha Mohamed Salah.

Ka hor kulanka Labada khabiir ee Chris Sutton iyo Ian Ladyman ayaa saadaashooda ka dhiibtay kulanka adag ee labada kooxood ee si weyn u xafiiltama iyada oo Ladyman saadaaliyay in ay United badin doonto.

“Chris, waxba uma fududa Liverpool,” Ladyman ayaa yidhi.

“Manchester City ee Premier League isbuucii hore, Manchester United kulan FA Cup-ka ah todobaadkan”.

Sutton ayaa ku jawaabay: “Hagaag, waxaan u maleynayaa in ayna waxba u fududayn Liverpool marka loo bar-bar dhigo Man United iyo Manchester City oo aan ogaano inay isku heer yihiin.” Kuma raacsani taas.

“Waan ognahay inuu jiro xifaaltan weyn, laakiin waxaan ka shakisanahay in ay Liverpool soo bandhigi doonto qaab ciyaareed cajiib ah”ayuu sii raaciyay.

“Haddii ay ku dhow yihiin heerkaas, markaas Manchester United waxay ku jirtaa dhibaato weyn”.

“i Rumayso, Man United natiijooyin fiican ayay ka heshay Old Trafford kulamadii ugu dambeeyay waan ogahay laakiin kooxdan waa Man United, Old Trafford-na waa meel adag, sidaas darteed waxan filayaa in ay Man United garaaci doonto”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga