Bukayo Saka: Waan Garaaci Karnaa Man City Halkan Arin Ayaan Sabab U Ah.

Bukayo Saka ayaa ku adkeystay in Arsenal ay ku garaaci karto Manchester City garoonka Etihad ka dib markii ay kooxdiisu gaartay afar dhamaadka UEFA Champions League.

Saka waxa uu dhaliyay rigoore intii lagu guda jiray guushii ay Arsenal ka gaartay Porto wareega 16-ka Champions League,kadibna waxa uu u muuqday mid kalsooni ku qaba in ay garaaci karaan Man City.

Bukayo Saka ayaa u muuqday mid ku kalsoon fursada ay Arsenal ku garaaci karto Manchester City garoonka Etihad axada, March 31.

Ka dib markii ay boos ka heleen wareega sideed dhamaadka UEFA Champions League guushii ay ka gaareen Porto, kulanka soo socda ee Arsenal waxay la ciyaari doontaa kooxda ay xafiiltamaan horyaalka Premier League ee City.

“Haa, waan awoodnaa,” Saka ayaa yidh

“Waan awoodnaa. Hadda, waxaan ku jirnaa hogaanka horyaalka, waxaana ku jirnaa wareega 8da ee Champions League, waxaana aadeynaa fasax caalami ah”

“Marka taasi waxay ina siinaysaa dardar badan, aaminaad badan oo ah inaan aadi karno Etihad oo aan natiijo fiican ka helno kulamadan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga