Saddex Xiddig Oo Man City Ka Maqan Kulanka Copenhagen

Saddexda ciyaaryahan ee Manchester City Mateo Kovacic, Josko Gvardiol iyo Sergio Gomez ayaa dhamaantood laga saaray 21 ka ciyaartoy ee Pep Guardiola u safraya Denmark si ay ula ciyaaraan kooxda Copenhagen lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Labada Kovacic iyo Gomez ayaan diyaar u ahayn ciyaartii Citizens ay gurigooda 2-0 kaga badiyeen Everton sabtidii, halka Gvardiol uu u kaydka ku Dhamaystay ciyaarta.

Dhammaan saddexda ciyaaryahan ayaa markaas ka maqnaa tababar 15-daqiiqo ah oo furan oo la qabtay subaxnimadii isniinta ka hor inta aysan kooxdu u duulin Copenhagen.Man City ayaa tan iyo markaas ku dhawaaqday 21-ka ciyaaryahan ee u safreysa Scandinavia waxana Laga dhex waayay saddexda Xiddig.

Waxaa loo maleynayaa in Kovacic iyo Gvardiol labaduba ay soo gaareen dhaawacyo fudud, halka sababta maqnaanshaha Gomez – kaasoo seegay labadii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee City ay la ciyaartay Brentford iyo Everton aan la Ogayn.

Kovacic iyo Gvardiol – oo ah laba saxiix oo xagaa – ayaa si joogto ah uga soo muuqday xilli ciyaareedkoodii ugu horreeyay ee Citizens, iyadoo labada ciyaaryahan ay 27 kulan ka soo muuqdaan tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga