Enzo Fernandez Oo Afka Furtay Kana Hadlay Mustaqbalkiisa, Miyuu Baxaysa?

Enzo Fernandez ayaa beeniyay wararka xanta ah ee sheegaya inuu doonayo ah inuu ka tago Chelsea mustaqbalka dhow.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa hadda ku dhameystay 12 bilood Stamford Bridge ka dib markii uu £106.8m uga soo wareegay Benfica.

Inkastoo xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina uu mararka qaar soo bandhigo qaab ciyaareed fiican, waxaa jiray waqtiyo uusan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Toddobaadkii hore, waxa Soo baxay warar sheegaya in uu doonayo in uu isaga Tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan inkasta oo uu kooxda kula jiro qandaraas ilaa dhammaadka 2031-32.

Wakiilkiisa ayaa si deg deg ah uga jawaabay wararka la isla dhexmarayo, isagoo beeniyay in ku guuleystaha Koobka Adduunka 2022 uuna meelna uga socon kooxda Chelsea.

Kadib guushii Chelsea ka gaadhay crystal Palace Xiddiga ayaa si cad uga hadlay Mustaqbalkiisa waxana uu sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxd.

Fernandez ayaa u sheegay ESPN: “Ma doonayo inaan ka tago Chelsea, waxaan halkan ku dareemayaa wanaag aad u Badan waxana aan xidhiidh fiican la leeyahay taageerayaasha iyo cid walba”.

“Dadka kooxda jooga si wanaagsan ayay iila dhaqmeen, waana uga mahadcelinayaa taas, halkaan ayaan ku sii wadi doonaa ilaa inta ay i rabaan, ma garanayo halka ay wararkaas ka yimaadeen, laakiin gabi ahaanba waan beeninayaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga