Enzo Fernández ayaa si rasmi ah u dhammeystiray heshiiskii uu uga gudbay Chelsea kuna biiray Manchester City, iyadoo kooxda reer Manchester ay ku bixisay lacag dhan £125 milyan, xiddiga reer Argentina ayaa Manchester City u saxiixay qandaraas shan sano ah, waxaana uu sidaas ku noqonayaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qaalisan taariikhda Premier League.

Fernández ayaa sidoo kale dib ula midoobaya Enzo Maresca, oo horey tababare uga soo ahaa Chelsea, balse hadda hoggaaminaya Manchester City, Chelsea ayaa fursad u haysatay inay heshiiska joojiso kadib markii uu burburay qorshihii ay kooxda London ugu doonaysay inay ku beddesho Fernández, gaar ahaan saxiixa khadka dhexe ee Monaco, Lamine Camara, inkasta oo xaaladdaasi dhacday, Chelsea ayaa go’aansatay inay ogolaato bixitaanka Fernández, waxaana ugu dambeyn la xaqiijiyay inuu u dhaqaaqay Manchester City.
Introducing our new Argentinian Blue 🇦🇷🩵 pic.twitter.com/nEHQ1oM855
— Manchester City (@ManCity) September 1, 2026
Heshiiskan ayaa noqday mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii ugu waaweynaa suuqa kala iibsiga, iyadoo Manchester City ay xoojinayso khadkeeda dhexe, halka Chelsea ay luminayso mid ka mid ah xiddigihii ugu muhiimsanaa kooxdeeda.
Be the first to comment