Real Madrid Oo Daafac La’aan Ciyaari Karta Kulanka Girona, Sabab.

Real Madrid ayaa sii wadatay isku diyaarinta kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Girona kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Los Blancos waxa ka maqan dhamaan daafacyada kooxda ka hor tababarka xilli ay kooxdu la daalaa dhacayso dhaawacyo.

Nacho Fernandez ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ka dhaawacma kooxda maadama uu tababarka ku seegay dhaawac muruqa ah.

Wargayska AS ayaa sheegay in ka qayb galka Nacho ee kulanka Girona uu wali shaki ku jiro, waxaana ku biiray Vinicius Junior kaas oo si deg deg ah uga baxay tababarka kadib markii uu seegay kulankii Atletico Madrid.

Weli waxaa jira rajo yar oo ku saabsan in uu Vini Jir diyaar u noqon karo kulanka Giro.

Si kasta ha ahaatee kooxda Los Blancos ayaa wajahaysa in ay bilaa daafac dhexe ku ciyaarto kulanka Girona ee horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga