Ed Woodward Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Ay Man United Ugu Fashilantay Saxiixa Haaland Iyo Bellingham.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee fulinta Manchester United Ed Woodward ayaa difaacay guul daradii kooxda ee ku aadan saxiixa Erling Haaland iyo Jude Bellingham.

Woodward ayaa kormeeray saxiixyada Man United muddo 9 sano ah waxana si weyn loogu dhaleeceeyay waxqbadkiisa sanadihii uu joogay kooxda.

Man United ayaa wakhtigii Woodward ku caan ahayd in ay lacag waali ah ka bixiso xiddigo khaldan ama xiddigo aan u qalmin siin jirtay xiddigo aan fiicnayn.

United ayaa doonaysay saxiixa Haaland iyo Bellingham bilihii ugu dambeeyay ee wakhtigii Woodward.

Laakiin United ayaa lagu garaacay saxiixa xiddigaha iyaga oo ka doortay in ay kooxo kale ku biiraan.

Woodward Ayaa sheegay in uu Haaland mar walba u socday in uu ku biiro Man City sababtoo ah xidhiidhka aabihiisa uu la leeyahay kooxdaas.

Dhammaadkii xilli ciyaareedkaas, United ayuu Bellingham iska diiday waxana uu ka doortay kooxda Dortmund.

Woodward ayaa sheegay in United ay ku guuldareysatay inay ‘dammaanad siiso Bellingham taas oo keentay in uu doorto Dortmund.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga