Real Madrid Mise Man City? Sergio Aguero Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Champions League.

Halyeeyga Kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa saadaaliyay kulanka champions League ee dhexmari doona kooxaha Man City iyo Real Madrid.

Los Blancos ayaa ku guulaystay champions League tirada ugu badan iyaga oo ku guulaystay 14 jeer halka ay Man City haatan difaacanayso koobka kadib markii ay ku guulaystay xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ayaa leh taariikh cajiib ah marka laga hadlayo kulamada ay wada ciyaareen iyada oo City badisay inta badan kulamadii ay wada ciyaareen.

10 ka mid ah kulamada ay wada ciyaareen kooxda Man City ayaa badisay 4 halka ay 3 kale bar-baro galeen halka ay 3 kulan Real Badisay.

Man City ayaa doonaysa in ay ku soo celiso natiijadii xilli ciyaareedkii hore markii ay Real ku reebeen Semi-final-ka tartanka iyaga oo labada kulan kaga badiyay 4/1.

Madrid ayaa dhinaca kale aad u doonaysa in ay dib u soo hesho booskeedii ay ku caanka ahayd champions League.

Aguero ayaa kulanka ku tilmaamay Superclasico xilli uu waraysi bixiyay ku saabsan kulanka adag ee champions League.

“Ma sugi karo kulanka, waxa uu si u noqday Superclasico-da champions League, wax walba way dhici karaan kulanka noocan oo kale ah”.

“garoon ay ka buuxaan xiddigo cajiib ah, laba ka mid ah tababarayaal sare, sidii sanadkii hore waxa aan jecelahay in aan arko city oo badisa”ayuu sii raaciyay.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga