Man City Mise Arsenal? Sergio Aguero Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Premier League.

Sergio Aguero ayaa saadaaliyay in kooxdiisii hore ee Man City ay garaaci doonto Arsenal marka ay labada kooxood ku kulmaan premier League 31 bishan March.

Xiddiga reer Argentine ayaa laakiin aaminsan in aanu kulankaas go’aamin doonin kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League.

Kooxaha Arsenal, City iyo Liverpool ayaa dhamaantood ku tartamaya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Mikel Arteta ayaa hogaaminaya horyaalka premier Legaue iyaga oo leh 64 dhibcood 28 kulan oo ay ciyaareen waxana ay farqiga goolasha kaga horeeyaan Liverpool halka ay Man City hal dhibic ku dambayso hogaamiyayaasha horyaalka.

Gunners iyo City ayaa iska hor iman doona kulan ka dhici doona Etihad.

Labada kooxood ayaa ku dhamaystay labada boos ee ugu dambeeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore waxana ay mar kale ku tartamayaan horyaalka laakiin Aguero ayaa rumaysan in uuna kulankan go’aamin doonin kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League.

“Waxa aan ku qiimaynayaa in uu yahay mid ka mid ah kulamada ugu adag horyaalka, shaki kuma jiro, hadii ay sidaas tahay tartanku waxa uu ka dhexeeyaa 3 kulan dhamaantoodna way u tartamayaan horyaalka”ayuu Aguero yidhi.

“Waxa aan ku kalsoonahay in ay Arsenal badin doonto laakiin ma noqon doono kulan go’aamin doona horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga