Pual Pogba Oo Saadaaliyay Wakhtiga Ay Man United Ku Guulaysan Doonto Premier League.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Manchester United, Paul Pogba , ayaa saadaaliyay in kooxda Red Devils ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League saddexda sano ee soo socota.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku dhammaysatay kaalinta saddexaad ee kala sarreynta Premier League, iyadoo ka dambeysay Man City iyo kooxda horyaalka qaaday ee Arsenal.

Isagoo la hadlayay talkSPORT, Pogba waxaa la weydiiyay haddii Manchester United ay ku guuleysan karto horyaalka iyadoo uu maamulayo Carrick.

Pogba ayaa ku jawaabay:”Haa. Waxaan aaminsanahay in Manchester United ay ku guuleysan doonto horyaalka sannadaha soo socda; waxay ku guulaysan doonaan Premier League”

“Haddii Arsenal ay ku guulaysan karto horyaalka, markaa Manchester United si dhab ah ayay horyaalka ugu guulaysan doonta”

“Waa hadal weyn. Ujeedkeygu ma aha inaan ixtiraam darro muujiyo, laakiin waan aaminsanahay inay ku guuleysan doonaan. Shanta sano ee soo socota way qaadi doonaan horyaalka”

“Waxaa laga yaabaa inaan wax yar ka badbadiyay; aan iraahdo saddexda sano ee soo socota. Waxaan u maleynayaa inay taas gaari karaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga