Ciyaaryahanka Nico O’Reilly ayaa sheegay in tartanka horyaalka Premier League uu gaari karo ilaa kulamada ugu dambeeya, iyadoo Manchester City ay ku daba jirto Arsenal.
City oo lix dhibcood ka dambeysa hogaamiyeyaasha horyaalka, balse leh laba kulan oo ka dhiman, waxay u baahan tahay inay guul ka gaarto Everton Isniinta si ay cadaadis u saarto kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta.
Saddex guul oo xiriir ah — oo ay ku jirto mid muhiim ah oo ay ka gaareen Arsenal — ayaa siisay City kalsooni iyo dardar ay doonayaan inay sii wadaan.
O’Reilly, oo xilli ciyaareedkan si fiican uga ciyaaray daafaca bidix iyo khadka dhexe, ayaa yiri:“Waxaan ku kalsoonahay nafteena. Weli waxaa harsan dhowr kulan, waxaana suuragal ah inay gaarto ilaa kulanka ugu dambeeya”
“Waxaan isku dayi doonnaa inaan guuleysanno kulan kasta oo aan ciyaarno, isla markaana aan dhalinno goolal badan intii aan awoodno. Waxaan galeynaa kulan kasta annagoo doonayna inaan soo bandhigno ciyaar wanaagsan oo aan ku guuleysanno.”
Manchester City ayaa hoggaanka horyaalka gaaray markii ay Burnley ka badiyeen kulankii ugu dambeeyay, iyagoo ku hoggaamiyay tirada goolasha la dhaliyay, balse ka qaybgalka FA Cup iyo jadwalka horyaalka ayaa u oggolaaday Arsenal inay mar kale dib ugu laabato kaalinta koowaad.
Hadda Gunners waxay leeyihiin faa’iidada dhibcaha la xaqiijiyay, balse Nico O’Reilly ayaa sheegay in arrintaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan qaabka ay City u ciyaareyso.
21-jirkan ayaa yiri:“Waxaan dareemayaa wanaag iyo rajo, waxaanan diyaar u nahay toddobaadyada ugu dambeeya. Qof walba wuu fiican yahay, waxaana ku faraxsanahay dhamaadka xilli ciyaareedka.”
O’Reilly ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan xilli ciyaareedka City, isagoo markii hore isku muujiyay daafaca, ka hor inta aan fursad laga siin booskiisa dabiiciga ah ee khadka dhexe.
Wuxuu sidoo kale ka mid yahay musharaxiinta ugu cadcad ee abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar ee sanadka, balse O’Reilly wuxuu diiradda saaraya oo kaliya kulamada harsan.
Wuxuu yiri:“Waxay noqon lahayd guul weyn, laakiin wali waxaa harsan dhowr kulan, markaas waan arki doonaa waxa dhaca”
“Waxaan u baahanahay inaan hoos u dhigo madaxa (diiradda saaro) oo aan sii wado shaqada adag”
“Ciyaaraha badan iyo culayska jira darteed, ma jiro waqti badan oo lagu milicsado waxa dhacay. Taasi waxay dhici doontaa marka aan helno fasax.”
Be the first to comment