Qaab Loo Kala Qaadi Doono Horyaalka Premier League Oo La Saadaaliyay.

Halyeeygii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan lagu kala bixi karo farqiga goolasha, isagoo aaminsan in Manchester City ay ugu dambayn guusha qaadi karto.

Wuxuu si weyn u amaanay Arsenal kadib markii ay 3-0 kaga adkaadeen Fulham, isagoo sheegay in guushaasi si cad cadaadis ugu sii kordhisay Manchester City oo u safreysa Merseyside si ay ula ciyaarto Everton habeenka Isniinta.

Isagoo ka hadlayay Sky Sports, Carragher wuxuu yiri:“Arsenal waxay ahaayeen kuwo aad u fiican. Waxaan u maleynayaa tani inay tahay qaabkoodii ugu fiicnaa muddo, laga yaabee tan iyo guushii ay ka gaareen Tottenham kulankii derby-ga Waqooyiga London”

“Waxay heleen xoogaa caawimaad ah oo ka timid Fulham, laakiin waxay ahaayeen firfircoon, waxaana muhiim ahayd inay sidoo kale kor u qaadaan farqiga goolasha”

“Ma aysan u muuqan kuwo daalan ama walwalsan sida mararka qaar dhowaan dhacday, inkasta oo qayb ka mid ah taas ay sabab u tahay ciyaar xumidii Fulham”

“Waan arki doonaa sida ay wax u dhacaan, laakiin runtii waxay cadaadis saartay Manchester City oo leh kulan adag oo ay la leeyihiin Everton”

“Waxaan filayaa in Manchester City ay guuleysan doonto kulankaas, laakiin ugu dambayn waxaa go’aamin kara farqiga goolasha, taasoo ka dhigan in kaliya guul aysan ku filnaan doonin.”

Kadib kulanka ay la ciyaari doonaan West Ham United, Arsenal waxay laba kulan oo ugu dambeeya la ciyaari doontaa Burnley iyo Crystal Palace oo horey uga haray horyaalka.

Dhanka kale, Manchester City waxay la ciyaari doontaa Brentford, Crystal Palace, Bournemouth iyo Aston Villa, iyagoo raadinaya horyaalkoodii toddobaad tan iyo 2018

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga