Hubal waxaad ogtihiin inuu yahay laacib wanaagsan ilaa xad, lkn marka uu ka hortago Barcelona waxa uu noqdaa midn Super Star ah , isagu waa Thomas Muller waa Bavariyanka cishqiga uhaya cadaabsta wiilasha catalonia Sidee maya ku leeyahay adigoo og inuu yahay garbaashlaha ugu weyn ee taariikhda kubada cagta e Barcelona yurub ahaan ,
bal halkaasi kuma istaago waxa uu har & habeen banaanka ujooggaa handadaada & kumaadeysiga Barcelona fursad kasta oo uuku helo , muuqalkan kooxda.com waxey idinkugusoo bandhigeysaa sababta kadambeysa Naceybkiisa daran Muller ee Barcelona .

Kahor kulankasta oo Barcelona & bayern ah sanidihii ugu dambeeyey waxaad soo heleysaa hadal uuku durayo ama uu ugu maadeysanayo camaaliqada Catalonia ee Barcelona meel dheer ma aadi doono , kahor kulanki ugu dambeeyey ee labada kooxood waxa uu bartiisa instigramka soo dhigay muuqaal kaasoo uukula hadlayey saaxiibkiisii hore Robrt Livandoski waxa uuku yiri :-
“Sidee tahay liva Aniga waanu nimid ” Kamana marneyn qosolkiisii Maadeysiga ahaa Si lamid ah saaxiibadiisa, Umuurta waxa ay noqotay caado soo noq noqneysa markasta oo ay iska hor yimaadaan llabada kooxood Barcelona & Bayern Munich darajo ahaan iney gaartay xadka hanjbaad sanadkii hore , kadib markii uuku guuleystay abaalmarinta Ballon dior Lionel Messi maalmo yar kahor kulankii bayern & barcelona waxa soo baxay muller kaasoo uhanjabay Barcelona isagoo leh :-
” Xafladda kubada dahabka waxey aheyd niyad jab heerkii ugu sareeyey lama yaabani waxa dhacay maxa yeelay mowqifkan waxaan daawaday markii ay ku dhacday Frank Rebry , Livandoski ayaa abaalmarinta Mudna Wixii dhacay waxey iinoqoneysaa Dhiiragelin si aan ugu muujino caalamka anaga waxa aanahay & waxa ay soo bandhigi karto kubada jarmalka taasina waxa ay noogabilaabaneysaa kulanka Barcelona ee koobka champions League ga .”

Waqtigaasi wax badan kuma qaadan inuu fuliyo balan tiisa isagoo soo bandhigay mustawo sare oo ka yeelay inuu gool ka dhaliyo dhowrkii loogu shubay shabaqa Catalonia si barelona laad & haraati loogu tuuro tartanka Yurub leage ga ,
umuurta halkasi kuma istaagin ciyaarta kadib waa u soo baxay isagoo leh :- ” Waxaan rumeysanahay iney si adag ula tacaamuli karin kulanka tayo ahaan Barcelona waxa ay heystaan wax kasta waa laacib cajiib ah taatiko & tayo ahaan lkn heerarka sare xoog uguma tartami karaan , waxa uu sidoo kale sii share gareeyey Post ay soo dhigtay Twitter ka naadiga Bayern taasoo koobeysay tiro goolal ah uuka dhaliyey camaaliqadan waxa uu si raaciyey aad baan ujecelahay mar walba inaan kahortago barcelona isagoo si daba dhigay weji qoslaya ishaaro ahaan sida uu ugu ooman yahay shabaqa cataloniankan,
Muller dhamaan kulamadii uuka hortagay barce waxa uu ka dhaliyey 8 gool 9 kulan uuka hortagay barcelona lagu daray 2 kale uu ku caawiyey sidaasi ayuu ku noqonayaa garbaashihii ugu weynaa ay udhibaatootay Barcelona taariikhda champiosn league ga .

Dabcan waad xasuusataan guuldaradii masiibada aheyd ee Barcelona 8-2 da ee bayern 2020, waqtigaasi waxa ay camerooyinka soo muujiyeen isagoo uxamaasadeysan waliba si waali ah ugu qeylinaya saaxiibadiisa xitaa kadib goolkii 5aad , ujeedadiisa waxa ay aheyd iney sii wadaan cadaadiska & dhalinta goolasha ugu badan waqti ciyaarta la go’aamiyey ,
Sanadkii tagay markii isku aadka lagu beegay barcelona Bayern wareega Groupyada Muller waa usoo hadlay si uu uxasuusiyo guuldaradii 8da isago leh :- ” Weli kama zuulin in xusuus wanaagsan aan ku leenahay Barcelona is arageeni rubuc dhamaadka 2020 waxey no aheyd tijaabo wanagsan”
markii uu gool ka dhaliyey xili ciyaareedkii hore ciyaartii Camp Nou waxa uu ka yiri :- Waxa noo suuragal ahaa inaan gool ama laba kale aanu ka dhalino halkan in lagu ciyaaro waa mid raaxo leh , wiilasha waa ku raaxeysteen kulankan .
Muller mar kasta uu wajaho barcelona waxa uu ka qaadaa dhiiranaan &xamaas dheeraad ah, sababta cadaawada ayaa unoqonesa sanadkii 2015 markii barcelona 3-0 waxba kuxaaqday bayern bartamaha camp nou lugtii 1aad Semi finalii champions league ga, ciyaarta kadib Barcelona waxey u dabaal dageen sida iney gaareen Finalka waana waxa ka careysiiyey Muller, lugtii 2aad waxa uu muller dhaliyey goolka 3aad lkn taasi taasi kuma filneyn Barcelona waxey dhalisay 2 gool, waqtigaas Muller aad ayuu uga carooday isagoo lagaranayey wejigiisa markii badalka loo taagay , ciyaarta kadib ayuu kahadlay si uu udhaliilo faanka & isla weynida xidigaha Barcelona isagoo leh

“Nasiib wanaag kubada cagta waxey fursad kuusiineysaa aar gudasho ” , tan & waqtigaasi Muller & kulanka Barcelona kooxdiisa ka hortageyso waxa uu u yahay balan aargudasho , inkastoo dhibaatooyiin waaweyn ugeysteen wiilasha gooni ugoosadka 2jeerna ay udireen taranka khamiisaha qabow ee Yurub League , Muller weli uma muuqdo mid kabaahi tirmay oonka shabaqa Barcelona .
Hadaba laga yaabee xalka reer Barce ufuran inuu noqon doono kaliya codsi wiilkan loo dirayo oo ku aadan iscasilaad & iska siibida kabadha kubada cagta
Be the first to comment