Man City & Chelsea Oo Dhibcaha Ku Heshiiyay Kulan Xiiso Lahaa.

Manchester City ayaa u suurtagashay in ay barbaro 1-1 ah la gasho kooxda Chelsea, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Ciyaarta oo ka dhacday Etihad Stadium ee magaalada Manchester ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo labda kooxoodba guul doonayeen.

Kooxda Chelsea ayaa daqiiqadii 42-aad ee ciyaarta bilowday goolasha waxana u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling kaas oo ciyaarta ka dhiga 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City si lama filaan ah u dambayso xilli ay chelsea hogaaminayso ciyaarta.

Rodri ayaa daqiiqadii 83-aad ku guulaystay in uu ciyaarta wax ka badal ku sameeyo,kadib markii uu darbo xoogan oo uu ka tuuray gudaha xerada ganaaxa taas oo dhaaftay Goolhayaha chelsea sidaasna ku soo taabatay shabaqa.

Ciyaartoyda labada kooxood ayaa daqiiqadaha ka haray isku dayay in ay dhaliyaan goolka guusha, balse isku daygii ay sameeyeen ma noqon mid guul lagu gaaro, sidaas ayaana lagu kala baxay 1/1.

Kadib barbarihii ciyaartii maanta, Chelsea ayaa dhibcaha ku heshay 35 dhibcood, kooxda ayaa ku jirta kaalinta tobnaad ee kala sarreynta horyaalka Ingiriiska, halka Manchester City ay ku jirto kaalinta saddexaad, iyadoo leh 53 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga