Arteta: Waan Awoodnaa Ku Guulaysiga Horyaalka, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay aaminsantahay in ay ku guulaysan karto horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa 5 gool kaga badisay Burnley horaantii maanta oo sabti ah.

Arteta ayaa ku yiri”Waa inaan aaminaa awoodayada inaan ku guuleysano kulan kasta, waxaana kula macaamilnaa ciyaar walba sidaan”.

Wuxuu intaas ku daray: “Waan ognahay heerarka loo baahan yahay, waana inaan sii wadnaa inaan sare u qaadno heerarkaas haddii aan dooneyno inaan fursad u helno inaan ku guuleysano horyaalka”ayuu sii raaciyay.

“waxaan aaminsanahay iyo kalsoonida aan ku qabo awoodayada inaan ku guuleysano Premier League sababtoo ah waxaan arkaa ciyaartoyda tababarka qaadanaya. maalin walba.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga