Liverpool ayaa xagaagii isku dayday inay lasoo wareegto garabka reer Gambia ee Yankuba Minteh, balse sababta ugu weyn ee heshiiska u burburay ma ahayn qiimaha ciyaaryahanka, sida hadda la sheegay, Liverpool ayaa suuqa xagaaga raadineysay garab cusub kaddib bixitaankii Mohamed Salah. Kooxda ayaa xiisaynaysay ciyaartoy dhowr ah oo ay ku jireen Ismaila Sarr iyo Minteh, waxaana ugu dambeyn ay saxiixday Bradley Barcola oo ay Paris Saint-Germain kala soo wareegtay.
Sida uu sheegay wariyaha reer Gambia Foday Manneh, Liverpool waxay laba dalab ka gudbisay Brighton oo ku aaddan Minteh, balse labadaas dalab waa la diiday, Si kastaba, Manneh wuxuu sheegay in saacadahii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga dhaawaca Minteh uu noqday arrinta ugu weyn ee Liverpool ka hor istaagtay inay heshiiska dhamaystirto, halkii ay ahayd lacagta lagu doonayay.
Wuxuu sheegay in Liverpool xitaa diyaar u ahayd inay dalabkeeda wax yar kordhiso, iyadoo la qiimeynayay muddada uu ciyaaryahanku dhaawaca kaga soo kabanayo iyo waqtiga uu garoomada kusoo laaban karo, Manneh wuxuu aaminsan yahay in haddii Minteh uusan dhaawac qabin, Liverpool ay gaarsiin kartay dalabkeeda qiyaastii £72 milyan ilaa £75 milyan, inkastoo Brighton ay ku qiimeysay ciyaaryahanka £80 milyan.
Suurtagalnimada Liverpool oo mar kale u dhaqaaqda Minteh Janaayo lama meesha saarin.
Foday Manneh ayaa sheegay in haddii Minteh si degdeg ah uga soo kabsado dhaawaca, islamarkaana uu sameeyo dhowr kulan oo wanaagsan, Liverpool ay dib u bilaabi karto xiisaha ay u qabto.
Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah mustaqbalka Cody Gakpo. Ciyaaryahanka reer Netherlands ayaa xagaagii lala xiriirinayay Tottenham iyo Manchester City, waxaana weli jirta suurtagalnimo uu Liverpool uga tagi karo Janaayo.
Haddii Gakpo uu baxo, Liverpool waxay markale u baahan kartaa garab weerar, taasoo Minteh ka dhigi karta mid ka mid ah ciyaartoyda ay dib ugu laaban karto suuqa.
Be the first to comment