10-kii saxiix ee ugu liitay Real Madrid tan iyo 1990-meeyadii – Hazard 1-aad, Kaka 2-aad

Real Madrid ayaa ka mid ah kooxaha ugu waaweyn uguna taajirsan kubadda cagta adduunka, waxaana taariikhdeeda kasoo ciyaaray xiddigo waaweyn oo halyeeyo noqday.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Spain waxay sidoo kale samaysay saxiixyo waaweyn oo aan u hirgelin sidii laga filayay, gaar ahaan ciyaartoy ay lacag badan ku bixisay.

Kooxda.com  ayaa diyaariyay 10-ka saxiix ee ay u aragtay kuwa ugu liitay Real Madrid tan iyo 1990-meeyadii, waxaana kaalinta koowaad galay Eden Hazard, halka Kaka uu galay kaalinta labaad.

10. Nuri Sahin – 2011 ilaa 2014

Nuri Sahin wuxuu ahaa mid ka mid ah tiirarkii kooxda Borussia Dortmund ee uu hoggaaminayay Jurgen Klopp, waxaana uu qayb muhiim ah ka qaatay Dortmund oo 2011 ku guuleysatay Bundesliga.

Markii uu Real Madrid ku biiray, dhaawacyo iyo tartanka booska ayaa ka hor istaagay inuu si joogto ah uga dhex muuqdo kooxda Jose Mourinho.

Sahin wuxuu sidoo kale amaah ugu ciyaaray Liverpool iyo Borussia Dortmund ka hor inta uusan si rasmi ah uga tagin Madrid.

9. Walter Samuel – 2004 ilaa 2005

Walter Samuel wuxuu lahaa xirfad ciyaareed oo guulo badan, isagoo Inter Milan kula guuleystay Serie A shan jeer iyo Champions League hal mar.

Real Madrid ayaa Roma kaga soo iibsatay qiyaastii £15 milyan, iyadoo lagu daray kooxda Galacticos.

Hase yeeshee, Samuel wuxuu ku adkaaday inuu saameyn muuqata ku yeesho Madrid, waxaana kooxda laga iibiyay kaddib hal xilli ciyaareed.

8. Nicolas Anelka – 1999 ilaa 2000

Real Madrid ayaa Nicolas Anelka Arsenal kala soo wareegtay xagaagii 1999, iyadoo ku bixisay £23.5 milyan.

Anelka wuxuu markaas ahaa 20 jir, waxaana loo arkayay mid ka mid ah weeraryahannada mustaqbalka ugu weyn Yurub.

Inkasta oo uu qayb ka ahaa kooxdii Real Madrid ku guuleysatay Champions League 2000, haddana xilli ciyaareedkiisa Madrid waxaa hareeyay muran, ganaaxyo iyo maqnaansho tababarro, taasoo ugu dambeyntii keentay inuu kooxda ka tago.

7. Thomas Gravesen – 2005 ilaa 2006

Real Madrid ayaa Everton kaga soo iibsatay khadka dhexe ee reer Denmark Thomas Gravesen, iyadoo bixisay qiyaastii £2.5 milyan.

Gravesen wuxuu ku biiray koox ay ka buuxaan xiddigo waaweyn sida Ronaldo, Luis Figo, David Beckham iyo Zinedine Zidane.

Hase yeeshee, wuxuu ku adkaaday inuu la qabsado kooxda, waxaana dambe lagu tilmaamay mid ka mid ah saxiixyadii aan u hirgelin Madrid.

Halyeeyga Brazil Ronaldo ayaa 2025 sheegay in Gravesen uu ahaa saaxiibkii ugu liitay ee uu Real Madrid kula soo ciyaaray.

6. Julien Faubert – 2009

Julien Faubert ayaa Real Madrid ugu biiray amaah isagoo kasoo dhaqaaqay West Ham United bishii Janaayo 2009.

Laakiin waqtigiisii Santiago Bernabeu wuxuu noqday mid aad u kooban, waxaana uu kooxda u saftay laba kulan oo keliya.

Faubert ayaa sidoo kale warbaahinta galay kaddib markii uu tababar ka maqnaaday isagoo si khaldan u fahmay inuu maalintaas fasax ahaa.

5. Royston Drenthe – 2007 ilaa 2012

Royston Drenthe wuxuu Real Madrid kaga yimid Feyenoord isagoo xiddig da’yar oo rajo badan laga qabay.

Kulankiisii ugu horreeyay ayuu dhaliyay gool cajiib ah, wuxuuna xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay kooxda kula guuleystay LaLiga.

Hase yeeshee, bandhiggiisu wuxuu hoos u dhacay xilli ciyaareedyadii dambe. Wuxuu amaah ugu ciyaaray Hercules iyo Everton, ka hor inta uusan Madrid si rasmi ah uga tagin 2012.

4. Jonathan Woodgate – 2004 ilaa 2007

Real Madrid ayaa Newcastle United kaga soo iibsatay daafaca reer England Jonathan Woodgate lacag dhan £13.4 milyan xagaagii 2004.

Xitaa ka hor inta uusan saxiixin, waxaa jiray walaac ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, maadaama uu dhaawac muruqa bowdada ah qabay.

Woodgate wuxuu seegay dhammaan xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay Madrid, waxaana kulankiisii ugu horreeyay kooxda uu yimid kaddib muddo dheer oo dhaawac ah.

Kulankiisii ugu horreeyay wuxuu noqday mid aan la ilaawi karin, laakiin sabab aan wanaagsanayn: wuxuu dhaliyay gool uu iska dhaliyay, kaddibna waxaa laga saaray garoonka markii uu qaatay kaarka jaallaha ah ee labaad.

Woodgate wuxuu Real Madrid u saftay 14 kulan oo keliya.

3. Luka Jovic – 2019 ilaa 2022

Real Madrid ayaa Eintracht Frankfurt kaga soo iibsatay weeraryahanka Serbia Luka Jovic lacag dhan £52.4 milyan sanadkii 2019.

Jovic wuxuu xilli ciyaareedkii ka horreeyay saxiixa Madrid dhaliyay 17 gool Bundesliga ah iyo 10 gool Europa League, taasoo keentay in rajo weyn laga qabo.

Si kastaba, wuxuu Madrid u dhaliyay kaliya 3 gool, isagoo sidoo kale sameeyay 5 caawin 51 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Jovic ayaa markii dambe ka tagay Real Madrid, waxaana uu waqtigan ku biiray AEK Athens.

2. Kaka – 2009 ilaa 2013

Kaka wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa adduunka markii uu Real Madrid kaga soo biiray AC Milan xagaagii 2009.

Madrid waxay Milan ka bixisay £56 milyan, taasoo xilligaas ka dhigtay Kaka mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qaalisan taariikhda.

Kaka wuxuu Milan kula guuleystay Serie A iyo Champions League, waxaana uu 2007 ku guuleystay Ballon d’Or.

Real Madrid wuxuu kula guuleystay LaLiga iyo Copa del Rey, balse dhaawacyo joogto ah ayaa si weyn u saameeyay waqtigiisii Madrid.

TEAMtalk waxay sheegtay in inkasta oo aan Kaka si buuxda loogu tilmaami karin flop, haddana lacagtii lagu bixiyay, mushaharkiisii iyo rajadii laga qabay ay sabab u yihiin in lagu daro saxiixyada ugu liitay ee kooxda.

1. Eden Hazard – 2019 ilaa 2023

Kaalinta koowaad waxaa galay Eden Hazard.

Hazard wuxuu Real Madrid kaga soo biiray Chelsea xagaagii 2019 isagoo 28 jir ah, xilli uu ku jiray heerkii ugu fiicnaa xirfaddiisa.

Real Madrid ayaa markii hore bixisay qiyaastii £89 milyan, iyadoo lacagaha dheeraadka ah ay heshiiska gaarsiin karaan in ka badan £150 milyan.

Laakiin dhaawacyo joogto ah ayaa si weyn u saameeyay waqtigiisii Madrid.

Hazard wuxuu Real Madrid u saftay 76 kulan, isagoo dhaliyay 7 gool isla markaana sameeyay 12 caawin.

Inkasta oo uu kooxda kula guuleystay LaLiga laba jeer iyo Champions League hal mar, haddana saamayntiisa shaqsiyeed ayaa aad uga hoos martay wixii laga filayay.

Hazard ayaa ugu dambeyn ka fariistay kubadda cagta bishii October 2023, isagoo markaas jiray 32 sano.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga