Liverpool Oo Ogaatay Halka Waddo Ee Ay Ku Helayso Badalka Jurgen Klopp

Liverpool ayaa laga yaabaa inay Ruben Amorim kula soo wareegto wax yar 12.8 milyan ginni ka dib markii Xabi Alonso uu xaqiijiyay inuusan bedeli doonin Jurgen Klopp.

Telegraph Sport ayaa fahansan in Amorim qandaraaskiisa lagu burburin karo 12.8 milyan euro.

Lacagta ay Sporting ku xidhay heshiiska Tababaraha ayaa hoos ugu dhacay sanadka dambe waxana Laga yaabaa In uu ma yaraado 8 milyan Oo euro.

Horey waxaa looga sheegay in lacagta lagu bur-burinayo heshiiska Tababaraha ay Aad uga badantahay 20 milyan laakiin haatan Aad ayay uga yartahay lacagtaas.

Amorim ayaa shaqo fiican ka qabtay Sporting isaga Oo kula guulaystay horyaalka xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Halka ay kooxdu haatan hogaaminayso horyaalka xilli ciyaareedkan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga