Maamulka Barcelona Oo Heshiis Wakhti Fog Ah U Soo Bandhigay Xavi & Tababaraha Oo Ka Jawaabay.

Maamulka Barca ayaa diyaar u ah inay Xavi u soo bandhigaan “mashruuc mustaqbalka fog ah” oo uu daaha ka qaaday madaxweyne ku xigeenka Rafa Yuste ka hor kulankii sabtida ay 1-0 kaga badiyeen Las Palamas.

Wuxuu yiri: “Waxaan rajeynayaa inuu halkaan sii joogo sababtoo ah waxaan ka hadleynaa mashruuc waqti dheer ah, kaliya ma ahan hal sano ama laba sano, Waxaan isku dayi doonaa inaan qancino Xavi, isaga ayay ku xiran tahay. ”

Si kastaba ha ahaatee, isagoo hadlayay ciyaarta ka dib Xavi ayaa ku adkeystay inuu mar hore go’aan ka gaaray. “Mustaqbalkeyga? Waa waqtigii aan nasan lahaa oo aan ka fikiri lahaa PSG,” ayuu yiri.

“Tallaabo, Tallaabo, waxba isma badalin xaaladan joogitaanka ilaa dhamaadka xiliciyaareed kaan ayaa kooxda uga wanagsan intii la ceyrin lahaa tababaraha”.

Xavi ayaa go’aansaday in uu isaga tago kooxda kadib markii ay natiijooyinka kooxdu xumaadeen bilowgii xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga