Lisbon Rúben Oo Afka Furtay Kana Hadlay Xiisaha Liverpool.

Tababaraha Kooxda Sporting Lisbon Rúben Amorim ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya kooxda Liverpool.

Rúben Amorim ayaa noqday bartilmaameedka 1-aad ee Liverpool kadib markii uu Xabi Alonso iska diiday in uu ku biiro Reds.

Tababare Rúben Amorim ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kadib guushii ay kooxdiisu 2/1 kaga badisay Estrela da Amadora.

“Hadda, waxaan diirada saaray Sporting. Aad baan ugu Faraxsanahay inaan noqdo Tababaraha Sporting”ayuu yidhi.

“Waxaan diirada saareynaa ku guuleysiga koobab…waxaan, waxa aan kooxda kula jiraa heshiis aad ayaanan ugu faraxsanahay halkan”

Taasi waa waxa ugu muhiimsan, in ka badan qandaraasyada, in aan aad ugu faraxsanahay halkan “

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga