WARBIXIN: 4 Kulan Oo Ay Tahay In Ay Arsenal Badiso Si Ay Ugu Guulaysato Premier League

Kooxda Arsenal ayaa u hanqal taagaysa in ay ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa doonaysa ku guulaysiga horyaalka premier League markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2004.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 kulan oo ay Arsenal tahay in ay badiso si ay ugu guulaysato horyaalka premier League.

1.Man City Vs Arsenal:

Waa kulan si weyn loo sugayo waxana la filayaa in uu dhoco kadib fasax kulamada caalamiga ah.

Inkasta oo uu kulanku markii horeba Arsenal ku adkaa oo ay booqanayso Man City hadana waxa sii adkaynaya in ay xiddigo badan uga maqnaan doonaan fasaxa caalamiga ah.

Laakiin waa kulan ay Arsenal u baahantahay in ay badiso hadii ay doonayso in ay ku guulaysato horyaalka premier League.

2.Aton Villa Vs Arsenal:

Waa kulan kale oo adag marka la eego qaab ciyaareedka kooxda Aston Villa xilli ciyaareedkan.

Villa ayaa kulankaas soo galaysa iyada oo u dagaalamaysa boosaska loogu soo boxo champions Leagus sidaas darteed waxa uu ku noqon doonaa kulan Adag Arsenal.

3.Tottenham Vs Arsenal:

Waxa la odhan karaa waa kulanka ugu adag ee Arsenal marka laga yimaado Man City maadama ay booqanayso kooxda ay cadawga yihiin ee Tottenham.

Tottenham ayaa wax walba u samayn doonta sidii ay Arsenal uga joojin lahayd ku guulaysiga horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedkan sidaas darteed waa in ay Gunners badiso hadii ay wax rajo ah ka yeelanayso horyaalka.

4.Man United Vs Arsenal:

Waa kulan kale oo adag waana mid ay Arsenal ku qasbantahay in ay badiso marka ay booqato Old Trafford si ay ugu guulaysto horyaalka.

Man United ayaa kulankaas soo galaysa iyaga oo laftooda baacsanaya boosaska champions League loogu soo boxo sidaas darteed waxa uu noqon doonaa kulan ku adag Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga