Lionel Messi Oo Ka Badbaaday Ganaax Uga Iman Kara FIFA, Sabab

Kabtanka xulka Argentina, Lionel Messi, ayaa ka badbaaday ganaax suurtagal ah oo ka iman lahaa FIFA, kaddib markii aan loo taagin kaarka cas ciyaartii ay Argentina 3-0 kaga badisay Algeria Arbacadii.

Messi ayaa noqday xiddigga ciyaarta isagoo dhaliyay saddexley (hat-trick) kulankii ay la yeesheen “Desert Foxes”-ka Algeria.

Si kastaba ha ahaatee, 38-jirka ayaa nasiib u yeeshay inaan garoonka laga saarin qeybtii hore ee ciyaarta, kaddib markii uu u muuqday inuu ku dul istaagay kabtanka Algeria, Aïssa Mandi.

Garsooraha reer Poland, Szymon Marciniak, ayaa halkii kaarka casaanka ka siin lahaa Messi, siiyay Algeria laad xor ah (free-kick), waxaana xitaa Messi aan la siin kaar jaalle ah.

Nidaamka VAR-ka ayaana sidoo kale go’aansaday inuusan faragelin, iyadoo la rumeysan yahay in qaladka loo arkay mid taxaddar la’aan ah (careless), balse aan ahayn mid khatar badan ama xoog xad-dhaaf ah lagu adeegsaday.

Difaacii hore ee Manchester City, Nedum Onuoha, ayaa ESPN u sheegay:

“Aniga aragtidayda waxay ahayd kaar cas. Waxaan u maleynayaa in fursadda la seegay, sababtoo ah sawirrada taagan waxay u muuqdeen kuwo aad u xun. Markii ciyaaryahanku dhulka yiillay, waxaad arki kartay in Messi uu ka walwalsanaa xaaladdiisa, maadaama uu ogaa inuu sameeyay fal dhibaato u horseedi karay.”

Haddii Messi la siin lahaa kaarka cas, wuxuu seegi lahaa kulanka xiga ee Group J ee Argentina ay la ciyaari doonto Austria.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga