FC Barcelona ayaa heshiis cusub oo uu saxiixi doono Raphinha la gaartay, iyadoo dhammaan qodobadii heshiiska la isku afgartay.
Agaasimaha Barcelona Deco ayaa xaqiijiyay in heshiiska mabda’ ahaan la gaaray, isla markaana saxiixa rasmiga ah uu dhaw yahay.
🇧🇷 Raphinha ayaa Barcelona la sii joogi doona ilaa Juun 2030, taasoo ka dhigan in heshiiskiisa la kordhiyay afar sano oo dheeraad ah.
Deco: “Waxaan leenahay heshiis mabda’ ahaan ah, waxaana dhowaan la saxiixi doonaa.”
Heshiiskan ayaa xaqiijinaya in Raphinha uu mustaqbalkiisa dhow ku sii wadan doono kooxda reer Catalonia.
Be the first to comment