Lama Filaan: Liverpool Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqan

Suxufiga ku takhasusay wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano, ayaa ku sheegay akoonkiisa rasmiga ah ee baraha bulshada ee X in Liverpool ay si rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa ciyaaryahanka Victor Munoz, kaas oo noqday xiddig cusub oo ku biiray kooxda heshiis muddo dheer ah.

Sida uu Romano sheegay, Liverpool ayaa saacadihii la soo dhaafay soo afjartay heshiiska kadib markii ay ka hormartay kooxo kale oo xiiseynayay ciyaaryahanka. Kooxda reer England ayaa lagu soo warramayaa inay bixin doonto 40 milyan oo euro oo ay siinayso CA Osasuna, iyadoo 20 milyan oo euro oo lacagtaas ka mid ah ay heli doonto Real Madrid.

Romano ayaa sidoo kale sheegay in Victor Munoz uu qalinka ku duugay heshiis soconaya ilaa Juun 2032, taas oo ka dhigaysa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha mustaqbalka fog ee Liverpool.

Sidaas darteed, Liverpool FC ayaa xaqiijisay mid ka mid ah saxiixyadeeda ugu waaweyn ee suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo ciyaaryahankan ay doonayeen kooxo dhowr ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga