Clube do Remo madaxweynihiisa ayaa si kulul u weeraray Neymar kadib markii lagu eedeeyay inuu kiciyay taageerayaasha, shaqaalaha iyo ciyaartoyda Remo kaddib markii Santos FC ay ka reebeen tartanka Koobka Brazil.
Madaxweynaha Remo ayaa yiri:
“Santos uma baahna dhaqankan… Neymar-na, oo carruur badan ay ku daydaan, wuxuu soo bandhigay riwaayad qosol badan (clown show), dabadeedna wuu nagu jeesjeesay.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Annagaa khalad leh oo dadka noocaas ah geesiyaal ka dhigannay!” π²
Dhanka kale, Neymar ayaa ka jawaabay dhaleeceynta iyo aflagaaddada loo geystay, isagoo yiri:
“Way i caayaan, aniguna waan dabaaldegaa, markaas iyagaa haddana xanaaqa. ππ€·π½ββοΈ War kaalaya!”
Hadalladan ayaa sii huriyay xiisadda u dhexeysa Neymar iyo kooxda Remo, iyadoo dood weyn ay ka dhalatay hab-dhaqankiisa ciyaarta kadib.
Be the first to comment