Joselu Oo Sharaxay Shardi Ka Hor Istaagi Kara In Uu Joogto Ugu Biiro Real Madrid.

Joselu ayaa sheegay inuu u furan yahay inuu sii joogo Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qirayaa in kooxdiisa haatan ee Espanyol ay dhibaato ku noqon karto heshiiska.

“Waxaan rajeynayaa inaan Real Madrid kula sii joogo heshiis joogto ah,” ayuu yiri.

“Si fiicana, Madrid waxa ay heshay fursad, maleeyeen inay ku habboon tahay in la dhaqan galiyo heshiiska haatana halkan ayaan joogaa”.

“Hagaag, waxaa jira jira dookh ay Real Madrid u haysato in ay toos iila wareegto xagaaga, waxa jira xaalado badan, Hadii Espanyol soo dalacdo wax yaabo badan ayaa is badalaya”.

Joselu ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan. Iyadoo Espanyol ay hadda ku jirto kaalinta seddexaad ee La Liga 2, waxaa laga yaabaa inuu ku soo laabto halkaas haddii ay xaqiijiyaan in ay soo dalacaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga