Deco: Halkan Arin Ayaa Dhacaysa Hadii Uu Mbappe Ku Biiro Real Madrid.

Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona Deco ayaa aaminsan in saxiixa Kylian Mbappe uu Real Madrid ka dhigi doono koox adag.

Qandaraaska Mbappe ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareed kaan, calamadaha oo dhan ayaana tilmaamaya inuu ku imaanayo Santiago Bernabeu.

Isagoo ka hadlayay kabtanka France, Deco wuxuu yiri:  “Waa ciyaaryahan go’aan qaadasho leh, kaasoo dhaliyay goolal badan”.

“Haddii uu yimaado Real Madrid, way sii xoog badnaan doonaan, laakiin waa inay xalliyaan dhibaatooyinka xeeladaysan. Laakiin kubada cagta, isku dheelitirnaanta ayaa aad muhiim u ah.”

Mbappe ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu kooxda kaga tagi doonaa qaab xor ah.

Xiddiga reer France ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu ku biiray kooxda PSG sanado badan ka hor.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga