Jamie Carragher: Hal Koox Ayaa Ku Faraxday Natiijadii Liverpool Iyo Man City.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in ay Arsenal tahay kooxda ka faa’iiday bar-barihii ay galeen kooxaha Liverpool iyo Man City.

Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa ku kala baxay bar-baro 1/1 ah kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League.

“Hadii aad tahay Arsenal, waxa aan filaysaa in ay natiijada ugu fiican ay tahay bar-baro”ayuu Carragher yidhi.

“Waxaan qabaa in Liverpool ay daawan doonto [Manchester City v Arsenal 31-ka March iyaga oo doonaya bar-baro”.

“City ayaa wali ah kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka”.

“Inkasta oo ay Arsenal hogaanka u hayso waxaan door bidi lahaa in aan daawado guusha ay Arsenal ka gaadhayso Manchester City sababta oo ah Man City 5-ta ilaa 6-da kulan ee ugu dambeeya xilli ciyaareedka waa kulamo aan filayo in ay City wada badiso”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga