Guardiola: Aad Ayaan U Dhibaatoonay Markii Ay Halkan Arin Dhacday.

Tababaraha Kooxda Man City ayaa ka hadlay bar-barihii ay la gashay kooxdiisu Liverpool kulan ka dhacay Anfield kana tirsnaaa horyaalka premier League.

Liverpool ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay Man City kulan ka dhacay Anfield Kana tirsanaa premier League.

Labada kooxood ayaa ku heshiiyay dhibcaha iyaga oo aan midna helin 3-da dhibcood ee kulanka.

Guardiola ayaa sheegay in ay kooxdiisu si weyn u dhibaatootay markii ay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha.

“Runtii si fiican ayaan ku bilownay laakiin waa koox cajiib ah, waxaan Helnay fursado sidoo kale iyagu waxa ay heleen fursado, qaabka ay u ciyaaraan ma ahan mid fudud, waxa aan helnay dhibic”.

“Qeybtii hore waxaan helnay dardar iyo fursado badan, laakiin kadib markii ay goolka rikoodhada dhaliyeen waan dhibaatoonay, waxa uu kulan fiican u ahaa taageerayaasha”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga