De Bruyne, Neves, Kane, De Zerbi, Kimmich, Tierney & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Milkiilaha cusub ee Manchester United Sir Jim Ratcliffe ayaa qarka u saaran inuu ansixiyo dalab ka badan 100 milyan oo euro oo ay ku doonayaan 19 jirka khadka dhexe ee kooxda Benfica Joao Neves (Mirror).

United ayaa sameyn doonta wax walba oo macquul ah si ay ula soo saxiixato weeraryahanka reer England ee Bayern Munich Harry Kane, oo 30 jir ah, hadii uu diyaar noqdo xagaaga (Give Me Sport).

Liverpool ayaa Tababarayaasha Roberto de Zerbi, Julian Nagelsmann iyo Ruben Amorim u calaamadsatay in ay noqdaan badalka Jurgen Klopp (Football Insider).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Joshua Kimmich, oo lala xiriirinayo Manchester United, Manchester City iyo Liverpool, ayaan weli wadahadalo heshiis kordhin ah la samayn Bayern Munich iyadoo wax ka yar 18 bilood ay ka harsan tahay heshiiska 29 jirkaan (90min).

Arsenal ayaa dooneysa inay iska iibiso daafaca dambeedka midig ee Kieran Tierney xagaaga laakiin Gunners ayaa ku dooneysa 20 milyan oo euro (Give Me Sport).

Chelsea ayaan weli go’aan ka gaarin 24 jirka khadka dhexe ee Ingariiska Conor Gallagher isaga oo xiiso ka helaya kooxda Tottenham (Caugh Offside).

Chelsea ayaa laga yaabaa inay iska iibiso ilaa 15 ciyaartoy suuqa kala iibsiga xagaaga (Football London).

AC Milan ayaa weli wadahadalo kula jirta Arsenal kaas oo ku saabsan saxiixa daafaca reer Poland ee Jakub Kiwior (Fichajes).

Man Utd ayaa isha ku heysa inay la soo wareegto daafaca dhexe ee Juventus Gleison Bremer, kaasoo lagu heli karo 70 milyan oo euro xagaaga (Calciomercato).

Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixyada xiddigaha khadka dhexe ee Frenkie de Jong (HITC).

Kooxaha Saudi Pro League ayaa diyaar u ah inay bixiyaan lacagta 100-ka milyan ee ay Man City ku iibinayso ciyaaryahanka khadka dhexe Kevin De Bruyne (Football Insider).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga