Ian Wright Oo Magacaabay Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Ku Guulaysan Doona Abaalmarin Ballon d’Orta

Halyeeyga Arsenal, Ian Wright, ayaa saadaaliyay in khadka dhexe ee Arsenal, Declan Rice, uu ku guuleysan karo abaalmarinta Ballon d’Or xilli ciyaareedkan.

Wright ayaa aaminsan in haddii Arsenal ay ku guuleysato Premier League iyo UEFA Champions League, markaas Rice uu u qalmi doono abaalmarinta ugu weyn ee shaqsiga ah.

Wuxuu sidaas ku sheegay barnaamijka Stick to Football ka hor kulanka Premier League ee u dhexeeya Arsenal iyo Newcastle United.

Wright wuxuu yiri:“Haddii Arsenal ku guuleysato Premier League, Declan Rice waa inuu ku guuleystaa ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka”

“Haddii ay sidoo kale ku guuleystaan Champions League, Rice waa inuu qaataa Ballon d’Or.”

Declan Rice ayaa Arsenal kaga soo biiray West Ham United sanadkii 2023, iyadoo lagu soo iibsaday lacag rikoor u ahayd Premier League oo dhan £105 milyan.

Ciyaaryahanka 27 jirka ah ayaa u saftay Arsenal in ka badan 150 kulan, isagoo dhaliyay 21 gool isla markaana bixiyay 31 caawin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga