Kooxda Manchester United waxay leedahay go’aanno waaweyn oo ay tahay inay ka gaarto saxiixyada suuqa kala iibsiga xagaaga, balse mid ka mid ah go’aamadaas ayaa haatanba la gaaray, sida uu sheegay Fabrizio Romano.
United waxay raadin doontaa hal ama laba khad dhexe xagaagan, iyadoo Casemiro uu ka tagayo kooxda marka uu dhammaado qandaraaskiisa, isla markaana Red Devils ay diyaar u yihiin inay sii daayaan Manuel Ugarte.
Carlos Baleba waa magac muddo dheer ku jiray liiska bartilmaameedyada Manchester United, iyadoo Red Devils ay ku dhowaadeen heshiis ay kaga soo qaadanayaan Brighton & Hove Albion intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga 2025.
Man United waxay heshiis Afka ah la gaareen khadka dhexe ee reer Cameroon Carlos Baleba, balse Brighton & Hove Albion ayaa diiday inay iibiyaan ciyaaryahanka.
Si kastaba, sida uu sheegay Fabrizio Romano, heshiiskii afka ahaa ee sanadkii hore wali wuu jiraa, inkasta oo aysan jirin wax horumar weyn ah ilaa hadda.
Romano ayaa yiri:
“Carlos Baleba… wuxuu ahaa bartilmaameedka ugu weyn xagaagii hore ee Manchester United, welina waa mid ka mid ah magacyada la tixgelinayo. Laakiin wali wax go’aan kama dambeys ah lama gaarin.”
Be the first to comment