Hordhac: Qatar Vs Jordan: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Final-ka Aisan Cup

Waxa maanta final-ka Aisan Cup isaga hor iman doona xulalka Qatar iyo Jordan kulan ka dhici doona garoonka Lusail Stadium.

Xulka Qatar ayaa tartanka ku soo gashay iyada oo ah xulka difaacanaysa koobka, laakiin laguma tirin kuwa ugu cad cad ee qaadi kara koobka sabab la xidhiidha rekoodhka xun ee ay ka haystaan ​​kooxaha heerka sare

Halka Qatar ay qaadi doonto culeyska laga filayo, Jordan waxay ciyaari doontaa iyada oo aan waxba laga filayn final-ka tartanka Asian Cup.

Kulanka: Qatar Vs Jordan

Tartanka: Asian Cup

Wakhtiga: 6:00

Garoonka:  Lusail Stadium.

Qatar lagama badinin 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee AFC Asian Cup, iyagoo badiyay 12 ka mid ah waqtigii loogu talagalay; Waxa ay hal guul u jirtaa inay noqdaan waddankii shanaad ee ku guulaysta tartankan si xidhiidh ah ka dib South Korea (1956 iyo 1960), Iran (1968, 1972 iyo 1976), Saudi Arabia (1984 iyo 1988) iyo Japan (2000 iyo 2004) .

Kulankan ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay ee abid dhexmara Jordan iyo Qatar kana tirsan tartanka AFC Asian Cup. Guud ahaan, Jordan ayaa laga badiyay kaliya hal kulan shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Qatar (W2 D2).

Tani waa finalkii seddexaad ee AFC Asian Cup oo labada xul ee isaga hor yimid ay noqdaan kuwo carab ah kadib Ciraaq v Saudi Arabia 2007 iyo Saudi Arabia v United Arab Emirates 1996.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga